DAAWO:Somaliland oo dhakhaatiirtii ugu badnayd ka caydhisay deegaanadeeda & Sababta oo lagu sheegay inay..

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu deegaanadiisa ka musaafurinayo tira dhakhaatiir Ajaanib ah oo ay sheegeen in si sharci daro ah uga hawlgalaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Xirgeeye) ayaa sheegay in 130 ajaanib ah oo ka hawlgala goobaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwo xukuumadda aysan ahayn kuwo ruqsad ka haysta Somaliland.

Waxa uu sheegay in mihnadlayaasha caafimaadka ay qiimayn ku sameeyeen dhakhaatiirtaas isla markaasna ay ogaadeen inaysan haysan 130 kamid ah ruqsadii ay ku shaqaysan lahaayeen lana go’aamiyey in Somaliland laga saaro.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu intaasi kusii daraya wada tashi ay samayn doonaan isla markaana shaqooyin ay qaban karaan shacabka ay u ogolaan doonin in ay jaanib qabtaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.