DAAWO:Somaliland oo ka hadashay duqeymo ka dhacay duleedka Hargeysa & Diyaarado dagaal oo…..

HARGEYSA(P-TIMES)- Guddoomiyaha degmada Sallaxley oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) ayaa u sheegay warbaahinta qaar ee deegaanada Somaliland in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya ay waxyaabo qarxa ku tuureen qoys reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmadaasi.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cid waxyeelo ay kasoo gaartay laakiin dadka deegaanka taasi ay cabsi weyn ku abuurtay, waxaana uu sheegay in uu gubtay Jabadkii (Xeradii) reerku daganaayeen.

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca Koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa Sallaxley iyo deegaanka Aadan Abokor ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku daganaayeen” ayuu yiri gudoomiye Shiine.

Weli lama garan cida leh diyaaradahaas iyo weliba sababta ay u tuureen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.