DAAWO:Xildhibaanada Beesha Isaaq oo weerar ku qaaday madaxweynaha Jabuuti

HARGEYSA(P-TIMES)- Qaar kamid ah xildhibaanada gollaha Baarlamaanka maamulka Soomaliland ayaa weerar ku qaaday dalka Jabuuti iyo madaxweynaha dalkaasi ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo ay ku eedeeyeen in uu doonayo in ganacsiga Soomaliland uu albaabada iskugu dhufto amaba xidho.

Xildhibaanadani ayaa baaq u diray hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi oo ay ugu baaqeen in talaabo deg deg ah uu qaado jawaabna uu ka bixiyo duulaanka dalka Jabuuti.

Arintani ayaa salka ka haysa mid kamid ah ganacsatada ugu caansan Somaliland oo lagu eedeeyey in uu dhac iyo boob kasoo gaystay gudaha Jabuuti isla markaasna loo gacan galiyo si loo xidho.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.