Deegaano hor leh oo lala wareegay & Ciidamo ku gaashaam gaadiidka dagaalka oo……

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheeegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolkaasi Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal yahanada Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Dag Cada oo hoostaga degmada Dhoobley oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona halkaasi ay saldhiga ku lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in inta aysan Al-Shabaab la wareegin deegaanka uu dagaal culus dhex maray iyaga iyo ciidamada Jubbaland hayeeshee si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Ma jiraan weli faah faahin intaasi dheer oo kasoo baxaya maamulka Jubbaland oo ku aadan deegaankan lala wareegay.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.