DEG DEG: RW Kheyre oo ka hor safarkiisa Mareykanka Wasiiro cusub magacaabay.

MUQDISHO(P-TIMES) Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiiradiisa, waxaana dhamaantood xubnaha lamagacaabay ay yihiin Xildhibaano katirsn baarlamaanka Faderaalka.

Saalax Axmed Jaamac ayaa loo mgacaabay wasiirka Dastuurka ee dawladda Faderaalka, waxaana horey uga geeriyooday Cabdiraxmaan xoosh Jibriil, wuxuuna Wasiirka cusub kasoo jeeda Somaliland.

Sadik Xirsi Warfaa ayaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana Mr. Warfaa uu kasoo jeedaa Puntland.

Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee dawladda Soomaaliya, waxaana Fawsiya ay mudo dheer ahayd Xildhibaan iyo wasiir dawladdii hore haddana ay tahay xildhibaan golaha shacabka ah.

Magacaabida xubnahan ayaa ka dhigan buuxinta boosas banaanaa iyo Fikradda in ay Xildhibaano noqdaan dadka buuxinayaa oo maalmihii u dambeeyey ay wadeen Lataliyaasha Raysalwasaare Kheyre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.