DEG DEG:Madaxweynaha Puntland & Safiiradii ugu badnaa Midowga Yurub oo hada kawada hadlaya xiisadaha u dhaxeeya Puntland Iyo Somaliland

GAROWE(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu hada ka helayo aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa sheegayaa in maanta ay soo gaadheen Garowe wafti sare ka socda Midowga Yurub, kuwaas oo durbaba kulan la qaatay qaar kamid ah madaxda dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa waftigani ka socda Midowga Yurub ayaa haatan uu shir uga socdaa magaalada Garowe, waxaana ay kawada hadlayaan qodobo ay kamid yihiin arimo la xidhiidha dhanka amaanka, siyaasadda dalka iyo waxyaabaha mudnaanta leh ee ay doonayso Puntland in laga caawiyo iyo xiisadaha ka dhex aloosan dhinacyada Puntland iyo Somaliland.

Waftigan oo ka kooban dhowr dal ayaa waxaa ku jira 7 safiir oo ka socda dalalka Yurub, waxaana ay hore ay u soo mareen magaalada Hargeysa oo ay kulan kula soo qaateen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xal u helida xiisadaha ka taagan qaybo kamid ah goboladda Sanaag iyo Sanaag ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa qayb ka ah ajandayaasha miiska yaal ee galabta ay kawada hadlayaan Denni iyo waftigani, waxaana fashil kusoo dhamaaday maalmo ka hor dadaalo nabadeed oo ay labada dhinac ka dhex wadeen odayaasha dhaqanka gobolka Sanaag si ciidamada Somaliland looga saaro deegaanka Yubbe loona baajiyo dagaal dhex mara labada ciidan oo masaafo yar isku jira halka saaka uu dagaal ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo Puntland deegaanka Tukaraq taas oo laga yaabo in ay sii adkayso xal u helida xiisada maadaama dhaq dhaqaaqyo ciidan galabta laga dareemayo deegaanka Tukaraq.

3 Comments

  1. Cidna kama hadleeso dad iyaga is dhiibay.. gaaladu ma xayawaan mooday.. laascaanood cidna ma haysato.. meeshan reer galbeedka ma ogola isaaq iyo majerteen is dilo oo way ogyihiin ciida inay rogmeeso. . Reerihiina dhexda ugu jiro isaaq iyo majerteen cid aad caqli badantihiin ma jirto. Hadi majerteen iyo isaaq diidan cirka aada..

  2. Dagaalkii yube waa aragtay reerihii majerteen iyo isaaq u dhaxeeyay arinahooda.. meeshan aduunka ma ogola isaaq iyo majerteen dagaalama..laba maroodi is dila caalamka ogoleen.. sidu warsangali yube u xaliyay arimahooda aya laascaanood u xalin arimahooda… majerteen oo ah qabiilka ugu weyne somali dagaal uma galayo imlo munaafiq warsangali dhulbahante oo marba dhinac u orda. Suldaan siciid ilmihiisa horgalada yube fadhiyo ha la hadlo,.. haka yaabin isaaq iyo majerteen inay isku dilaan ilmo horgala ah..

  3. Gaalada ogoleen laandheere majerteen dagaal galo..ciida rogmeesa geeska africa. Waa i afgaratay umaleen.. dagaal uu soo abaabulay suldan siciid iyo muuse biixi majerteen dagaal uma galo…. isaaq cid majerteen ogal dhulkiisa ma imaankaro lakin waxuu suldan ka warsangali soo abaabulay kadibna dhuunta waa sheeko raqiis. Majerteen yaa ka caqli badan.. majerteen dadka daarood ka dhabta bu difaaca sida leelkase lakin ugaaslabe qashin dabadhilif uu suldaan u yahay suldan siciid oo boqolkiiba sideetan 80% dhiigiisa ugaaslabe yahay majerteen kuma mushquula arimaha..

Leave a Reply

Your email address will not be published.