DEG DEG+DAAWO: Mucaaradka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in ay dhisayaan Xukuumad cusub.

NAIROBI (P-TIMES)- Mucaaradka Soomaaliya oo maanta ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib markii loo diiday in ay ku kulmaan magaalada Muqdisho, ayaa isku raacay in ay talaabo cusub qaadi doonaam hadii uusan qabsoomin kulanka June 2019-ka.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah Xoghayaha Xisbiga UPD oo ka hadlayay kulankaas ayaa sheegay in ay dib u eegi doonaan arrimaha xukuumadda KheyrE.

Mr. Fiqi ayaa sheegay in ay dadaal badan galiyeen sidii loo sixi lahaa Xukuumadda, balse ay diideen madaxda dawladda Soomaaliya.Kulanka ayuu sheegay Fiqi in ay ku qaban doonan gudaha dalka, ayna waajib tahay in ay dawladdu xooga saarto in ay waqtiga dhawrto.

Mucaaradid xoog badan ayuu wajahayaa Madaxweyne Farmaajo, waxaana muuqata in 20ka bilood ee u hartay ay uga dhamaan doonto is qabqabsi siyaasadeed.

1 Comment

  1. Kkkkkkkkk
    War waxaan sida ay ku fekerayaan waaba waali dhab ah.
    Ma dadka Soomaaliyeed Bay u maleeyeen iney yihiin Stupid!
    Sidee xukuumad ku dhisi kartaa?
    Xukuumaddu dhismaheeda sharci bay ku bilaabataa kuna dhammaataa.
    Caqliga foorara u eg chicken Brain, bal eega maad iska tiraahdid waxaan waddeynaa foowdadii iyo taageeradii Alsheydaan ee la idinku yaqiiney.
    Fiqi wuxuu leeyahay dowladdaan tabar ma lahan, meeshaan doonno baan shir ku qabaneynaa waana Xildhibaan!
    Kuwaan mucaarad ma ahan waa dowlad diid, qofku haddii uu dowladnimada waa Qaran diid, Waana qof doonaya inuu ku noolaado xaalad ah Anarchy and lawless Situation.
    Waxaan og nahay in maalin dhow Magaalada Muqdusho Cii Amnigu ku qabteen Hub iyo qaraxyo, kuwa Gacanta laga tuuro loona wadey qof leh xasaanad micnaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, markii wax laga weydiiyeyna wuxuu ku andacooday inuu isku Difaaca yo!
    Dadka qayleynaya waa noocii fowdada ku noolaan jirey waxaayna xasaasid weyn ka qabaan in soomaaliya lagu soo celiyo kala dambeyntii ( Law and Order).
    Bilo ka hor nin siyaasi sheegta kana mid ahaa kuwii BADDA Soomaaliya qayb ka mid ah iney u xalaaleeyaan ayaa wuxuu dad saaxiibbadiis ah ku yiri dowladda ayaan la dagaalameynaa ma Kun Wiil ( 1,000)ka badan miyaa nooga dhimaneysa!
    Waxaa aad u jeeddaan ee mucaaraadka sheeganaya waa noocaas!
    Qaar waxaa ku jira sida xil Cabdifataax wuxuu Qandaraas ku soo qaatay ineysan Xamar nabad noqon Asagoo Fekerkii SNM ku raran! Si aad ah ayuu u buulo xuufteeyaa, Asagoo control kii ka lumay. Asagoo gaaray heer uu Aflagaadeeyo Madaxda Qaranka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.