DEG DEG+DAAWO:Wadooyinka Caasimada oo olol ka baxayo, Dhimasho & Dhaawac ka dhacay kadib markii….

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka ay helayso Puntlandtimes.com ayaa waxa ay sheegayaan in isgoyska Howlwadaag lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj, islamarkaana la dhaawacay ruuxii saarnaa Mootada.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in uu  darawalka Mooto Bajaajlaha uu dhowr xabadooda kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu baxsaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka hor askariga iyo darawalka Mooto bajaajlaha uu muran dhexmaray wallow weli sirasmi ah loo helin sababta keentay khilaafka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa, waxaana sidoo kale dhaawaca ruuxa kale loo qaaday isbitaalka ku yaalla degmada howlwadaag.

Dhan kale banaan bax rabshado wata oo ka socda Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sii xoogaystay, waxaana la xiray inta badan goobaha ganacsi ee ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha.

Banaan baxan ayaa ka dhashay kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dilay Mooto Bajaajle iyo ruuxii saarnaa Mootada.

Darawaladda Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta ayaa sheegay in ay banaan baxa sii wadayaan tan iyo inta Caddaaladda la horkeenaayo askarigii dilay dadka shacabka ahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah, waxaana haysta dhibaatooyin dadka shacabka ah.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.