DEG DEG:Shirkii sharci dajinta Baarlamaanka DFS & Dowladd goboleedyada oo Garowe ka furmay

BOSASO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in haatan gudaha magaaladaasi uu ka socdo shirka Shanaad ee gollayaasha sharci dajinta ee dowladda dhexe iyo dowladd goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Shalay ayaa waxaa magaalada Garowe gaadhay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee gollaha shacabka Soomaaliyeed Mahad Cabdalla Cawad iyo gudoomiyayaasha Baarlamaanada maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabelle, kuwaas oo maanta shir ku leh Hotelka AJJ Plaza oo ku yaala magaalada Garowe.

Shirka gollayaasha sharci dajinta ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, in kastoo aan lasoo bandhigin ajandaha dhabta ah ee shirku uu ku salaysan yahay ayaa waxaa hadana laga hadli doonaa arimaha sharci dajinta iyo sidii loo xoojin lahaa.

Shirka gollayaasha sharci dajinta ayaa hore uga dhacay magalada Muqdisho, waxaana shirkaas oo sanadkiiba mar la qabto la filayaa in uu ka qabsoomo dhamaanba xarumaha dowladd goboleedyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.