Dekedda Muqdisho oo Shabaab ay Canshuur kusoo rogeen iyo Hakad Shaqada kuyimi.

Muqdisho(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya amaro ay Shabaab kusoo rogeen ganacsatada magaalada Muqdisho ee wax kala soo daga dekeda magaaladaas, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan Canshuur la mid ah mida ay qaado dawladda Soomaaliya.

Shabaab waxay iskugu yereen guddiga Ganacsatada ee magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in ay doonayaan canshuurtan cusub oo ay tahay in ay dhankoodana siiyaan.

Lacago badan ayaa laga qaadaa Alaabaha kasoo dagaya marsada Muqdisho, sidaas oo kalena dawladda ayaa qaadata lacagtaas Shabaabkuna waxay hadda doonayaan in ay dhankooda qaataan.

Al-Shabaab ayaa ganacsatada ku amartay inaan Alaab laga dajin karin Markab aan Canshuur la mid ah midda Dowladda laga siinin kooxdaan dagaalka kula jirto Dowladda Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa ganacsatada ugu hanjabtay in tallaabo laga qaadi doono haddii ay alaab kasoo dajiyaan Markab aan lacag laga siin.

Amarkaas ayaa keenay inaysan Dekadda Muqdisho shaqeyn Saddexdii Maalin ee ugu dambeysay, waxaana la arkayey Maraakiibta oo Dekadda iska taagan isla markaasna aan wax alaab ah laga dajineyn.

Laakiin dhaqdhaqaaqyo kooban ayaa dib u bilowday tan iyo maanta,waxaana maanta labilaabay dajinta mid kamid maraakiibta taagan dekedda Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.