DHAGAYSO:Axmed Madoobe oo madaxda dowladda ku canaantay arimaha Somaliland & Xaalada dalka oo uu…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeedinayey daah furka shirka wada tashiga hay’addaha dibu eegista Dastuurka heer federaal iyo heer dowladd goboleed ayaa ka hadlay arimo ku aadan Dastuurka qabyo qoraalka ah ee dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in Dastuurka dalka uu yahay heshiis bulsho ay ku dhaqanto isla markaasna loo baahan yahay in la dhamaystiro si looga baxo caqabadaha haatan ka jira gudaha dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Axmed Madoobe in Dastuurka dalka aan la dhamaystiri karin ilaa xal laga gaaro arimaha maamulka Somaliland iyo dowladda dhexe, waxaana madaxda dowladda uu ugu baaqay in ay il gaar ah ku hayaan arimahani.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

1 Comment

  1. Waa teneg, nacasnimaa haysa. Somalilandta uu ka hadlayo waa Isaaq, isagey ugu neceb yihiin. ma aha markii ugu horeysey, dhow jeer baan arkay isaga oo Dowlada ku canaananaaya, , nacasnimaa haysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.