DHAGAYSO:Gaadiid dhuxul siday oo dab la qabsiiyey & Al-shabaab oo dignii soo saartay

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in maanta barqadii xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ay gubeen gaari dhuxul u soo waday magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa waxa ay sheegeen in gaariga uu dhuxusha ka keenay deegaano kale oo ka tirsan Shabellaha dhexe, waxaana xilliga la gubayey uu marayey deegaan lagu magacaabo laba Buundaale oo ku yaala inta u dhaxaysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey gaariga ay gubeen Al-Shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.