DHAGAYSO:Shirar nabadeyn ah oo ka furmay deegaano ka tirsan Mudug & Sool

GAROWE(P-TIMES)- Xili qaybo kamid ah Koonfurta gobolka Sool ay ka da’een roobab lagu diirsaday oo sababay hayaanka reer guuraa badan ayaa waxaa deegaano ka tirsan goboladda Mudug iyo Sool ka bilowmay kulamo isugu jira wacyi gelin iyo adkeynta nabada, kuwaas oo u dhex maray odayaal dhaqameed kasoo kala jeeda labada dhinac.

C/laahi Daaroor oo ah gudoomiyaha isku xidhka dhalinyarada deegaanada Magacley iyo Qoriley oo waraysi siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in meel wacan ay marayaan dadaalada nabadeed ee laga dhex wado dadka reer guuraaga ah, isagoona xusay in kulamo ay la qaateen odayaal dhaqameedyo ka socday dhigooda oo ay isku af garteen adkeynta nabad gelyada deegaanka.

Waxa uu sheegay in shir weyne balaadhan loo balansan yahay si loo dhameeyo wax walba oo ku saabsan adkaynta nabadeynta labada Beelood ee walaalaha ah oo marar badan ay diriri dhex martay.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.