DHAGAYSO:Wasiir ka tirsan Xukuumadda Khayre oo xilka laga qaadayo & Xildhibaano ka tirsan BFS oo…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaf ku tilmaamay hadal dhiilo watay oo uu gollaha shacabka uu ka dhex sheegay wasiirka waxbarashada Soomaaliya ahna ka tirsan xildhibaan ka tirsan gollaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdullahi Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax oo warbaahinta kula hadlay xarunta gollaha shacabka markii kulankii Baarlamaanka loo xiray foodo ay dhigeen qaar kamid ah xildhibaanada ayaa ku tilmaamay xildhibaanada buuqa ka dambeeyey ay la shaqeeyaan Al-shabaab.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad ayaa sheegay in hadalka wasiir Goodax uu yahay eedeyn culus oo u baahan in si deg deg ah ay gudiga anshaxa ugu sameeyaan baaritaano, taas oo sababtay in dacwad laga keeno wasiirka.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed in ayaa sheegay in uu ku xad gudbay Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre isla markaasna uusan harsan doonin ilaa xasanada xubinimada xildhibaanka laga qaado.

Hadalka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad ayaa yimid kadib markii wasiirka waxbarashada Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka Cabdullahi Goodax Barre shalay tiro Xildhibaano ah uu ku tilmaamay inay la shaqeeyaan Al-shabaab taas oo sababtay in cirka ay gasho xiisada u dhaxaysa labada dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.