DHAGAYSO:Xildhibaan sheegay in Denni lagula xisaabtami doono kufsiyada ka dhacaya Puntland

GAROWE(P-TIMES)- Xili ay kusoo badanayaan deegaanada Puntland falalka kufsi iyo tacadiyada kala duwan ee haweenka loo gaysanayo ayaa waxaa arimahaasi ka hadlay mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa sheegay in soo badashada kiisaska kufsiga ah ay sabab u tahay ciqaab la’aanta ay la kulmayaan dhalinyarada gaysata falalka kufsiga ah, waxaana uu xildhibaanku xusay in la xisaabtan ay kala samaynayaan xukuumadda madaxweyne Denni arimahani oo uu sheegay in ay ka gaabiyeen.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.