Dowlada Somaliya Iyo UPU Oo Isla Meel Dhigay Howl Galinta Adeeggii Boostada Dalka

Waxaa soo gabagaboobay kulankii wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Sonmaliya kaasi oo sedex cesho ka socday magaalada Muqdisho .

Kulankaas oo looga hadlay soo nooleynta adeeggii boostada ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirada maamul goboleedyada Somaliya .

Kulankaas oo soo biloowday 16-kii bishaan ayaa soo afjarmay maanta waxaana hogaaminayay wasiirka isgaarsiinta iyo boostada dowlada Somaliya Cabdi Cashuur Xasan waxaana joogay dhiggiisa Puntland , Galmudug , Hirshaballe iyo koonfur galbeed

Dhinacayadaas ayaa isla meel dhigay soo nooleynta adeeggii boostada ee dalka ka dib qoraal ay si wada jir ah u soo saareen .

Somaliya ayaa lagu waramay in aysan bixin lacagaha adeegga boostada laga soo bilaabo sanadkii 1982-dii xilligaas oo uu dalka xukumayay allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre kaasi oo xukunka laga tuuray sanadkii 1992-dii

Dowlada Somaliya iyo midowga boostada caalamiga ee UPU ayaa isla ogalaaday in qarash dhan 60 kun oo dollar lagu bixiyo dayactirka boosteejooyinka boostada .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.