FAAHFAAHIN: Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Taliyayaal ciidan oo laga dilay SL & Muuse Biixi oo ka hadlay

HARGEYSA(P-TIMES)- Faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar lagu dilay labo kamid ah Taliyaasha ciidamada Somaliland oo ka dhacay gudaha deegaanadaas, kaas oo ay geysteen dabley hubeysan oo la sheegay in ay ka xumaadeen mid kamid ah Maxaabiista Xabsiyada ku jirtay oo geeriyooday.

Taliyeyaasha la dilay ayaa lagu kala magacaabayay G/lle C/llaahi Axmed Tallan oo ahaa Taliyihii Xabsiga degmada Gar Adag iyo Taliye kuxigeenkii Booliska degmada Gar Adag Labo Xidigle Nuur Aw Cali Nuur.

Labadan Taliye ayaa la sheegay in la dilay, kaddib markii ay qaab dhuumasho ah kaga baxeen degmadaas, iyadoo maleeshiyo hubeysan ay wadada u gashay.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dibad bax rabshado wata uu ka dhacay deegaankaas, kaddib markii mid ka mid ah dadka deegaanka oo xirnaa uu ku dhex dhintay xabsiga sababo aan la shaacin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu tacsi ugu diray ehelada ay ka geeriyoodeen labada Taliye, waxaana uu amar ku bixiyay in dadkii ka dambeeyay falkaas la soo xiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.