Itoobiya : Ciidamada Baddeena Dhawaan Ayay Howl Galayaan , Saameyn Ayaan Ku Yeelaneynaa Badda Somaliya”.

Dowlada Itoobiya ayaa daboolka ka qaaday in ay wadaan qorshe ay dhawaan ku shaqo gilinayaan ciidamadeeda badda kuwaasi oo horay u bur buray sanadkii 1990-kii

Sarreeya guud Birhaanu Julaa ayaa hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay waddo qorshe ay ku doonayaan dhismaha ciidamo xooggan o dhanka badda ah

Mr Juluu oo u waramayay wargeyska Addis Zemen ee afka dowlada Itoobiya ku hadla ayuu ka sheegay” waxaan dhiseynayaa ciidamo xooggan oo haysta tababar fog oo casri ah waliba qalabka ugu dambeeeya ee ciidamo bad adeegsadaan ayaa lagu qalabeynayaa”.

Waxa uu si cad u yiri ” waxaan dooneynaa in aan saameyn ku yeellanno badaha dalalka dariska nala ah waayo dalal fog ayaa badaha dalalka dariska ah nala saameyn ku yeeshay oo saldhigyo ku leh”

” Ma jirto sabab aaan aad bad la `aan ku noqon karno marka la eego in Itoobiya tahay dal facweyn waliba ay ku nool yihiin dad ka badan 100 milyan oo qof” ayuu sii raaciyay mas`uulkaas reer Itoobiya

Waxa uu xusay Julee in ay fureen machad lagu tababaro xirfadlayaasha badda ayna sanad waliba ka soo baxaan illaa 500 oo qof oo leh xirado kala duwan oo dhanka badda ah waliba sare ay u qaadayaan tirada sanadkii qalin jibisa.

Dowloada France ayaa Itoobiya ka caawineysa dhisidda ciidamada badda waxaana jira hishiis ay kala saxiixdeen labadaas dal waxaana ku kacaya mashruucaan malaayiin doolar .

Ugu dambayen sarrreeya guud Julaa waxa uu tilmaamay in ciimadadaas ay saldhigayo ku yeelanayaan badaha caalamiga ah ee badda cas iyo badda Hindiya , mana jirto illaa haatan war ka soo baxay dhanka Somaliya oo loo dan leeyahay baddooda .

7 Comments

  1. ETHIOPIAN Marina Navy the Only chance to enter Somali Territorial Water it permission for Somali Government. But what he said the Ethiopian Officer its stupid Idea. Because whether Ethiopia has Sea or not its not our business.

  2. Nin Shantaada kaa reebin sharci kaama reebo, Itoobiya wanaag wax kuma qaadato, kii rajo ka qabay xabash waa taa iyadoo qooqan!

  3. Ishiisa laga arkaa ushiisa lala dhacaa weeye weedhu. Soomaaliyi haddii ay dhaadi wayday geyigeeda uu adduunweynuhu u wada dhimanayo iyo kheyraadka Eebbe ugu baahay birri iyo baxar ba, dan baa looga dhaxal wareejin indhaheeda oo shan ah. Nimcooyinka uu Rabbi geyigeena ku deeqay wallee wax la koobi karo oo la qiyaaso karo ma aha runtii.

    Hadda bal in aynu cawaan nahay waxaynu garan waynay in uu qoys iyo qof kasta oo Soomaali ahi guryo iyo xaafado ugu casrisan inta looga dhiso oo daryeelka oogu fiican dunida loo dardar galiyo ay u sii wehelin lahayd in aanay shaqeynin oo ay dawladdu fadhiga ku wada biisho.

    Wax aan jeebka kala soo baxay ma aha ee waa saadaasha iyo daraasaadka dhaqaale ee ay hayadaha iyo bangiyada adduunyadu geyiga Soomaaliyeed iyo qiimaha uu ku fadhiyo ka qoreen. Inta la inaga daahay baa inagii la isku keen salliday oo uu nacabku waxa ba dharaar cad naga dhaxlayaa. Cajiib!

  4. Waxaa kaagadaran kuwa laandheere sheegata caqli malaha. Mingiste xayla marayaa. Baa waxa la waydiiyay. Somali kawaran. Wuxuu yiri kuwa nala jooga. Iyo kuwa naga maqan iku si bay wax nogu shegan iyaga iskumaqan. Wuxuu waadad qabilka waxwalba kalawayn tahay
    Africa qabiil waa jiraa laakiin somalida say u isticmasho. Waa doqonimo. Mid baa walaakii ka dacwoonaya. Waa an hubaa kuwa amxarada layiraahdo haday ethiopia xukumilahayeen matjoray iman lahayeen .tikreega way rabeen ee hohamiyijii baa ka bakhtitay .laakiin a biya. Way ku adagtahay. HaDan somaliland. Soo dhawayso waa macquul. Waayo way nugul yihiin. Iyagaa uyeedha. Muda dheer.

  5. Itoobiya iyo soomaaliya waa is yaqaanaan taariikh soo jireen aha ayaa dhex taalo lakiin waqtigaan xaadirka ah amxaaro ama itobiya hadba sidii loo yaqaan waxaa kadaran oo ka cadawsan qabiilka iyo maamul goboleedka kuwaas oon gacan bir ah aan lagu qaban walee soomaaliya waa loo yaabaa.

  6. Iyagii baa is haysta, Badda ay sheegayaan Dowlada Ajaanib ah bay hore ugu saxiixeen, war amey ithopia ee aan jaarr nahay inoo roontahay in ay Ilaaliyaan ee Maleyna gurtaan , intii shiine iyo Spein talyaani iyo Portogeys ay guranayaan , iyaga oo isticmaalaya, qalab Aduunka mamnuuc ka ah in Badaha dowlad kale lagaga kaluunsado. aan ka fiirsano walee. aniga Kenyada aad u ordeysaan Itopia ayaa igala wanaagsan, dhibna aan shacabkeena ku hayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.