Jubbaland Oo Sheegtay In Saraakiil Alshabaab Ah Isu Soo Dhiibeen Maamulka

Taliska hay`adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbland ee Nisa ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil Alshabaab ka tirsan ay isa soo dhiibeen

Saraakiishaas Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in ay isu dhiibeen maamulka degmada Baardheere ee gobolka geddo

Jubbaland ayaa sheegtay in mid kamid ah Saraakiishii ka tirsanaa Al-shabaab ee iska dhiibay Baardheere lagu magacaabo Aadan coobe oo loo yaqaano Maxamed Qani,iyagoona ahaa kuwo aad looga yaqaano deegaanada Jubbaland.

“Labo sargaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa gordhow isku dhiibay maamulka Degmada baardheere ee Gobolka Gedo midka ka mid ayaa lagu sheegay magaciisa Adan coobe oo siwayn looga yaqaano deegaanada Jubaland Maxamed Qani”ayaa lagu yiri war ka soo baxay NISA Jubbaland.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay iska dhiibaan deegaanada Jubbaland,welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan in Saraakiil ka tirsanaa iga ay isku dhiibeen maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.