Maamulka Gobolka Banadir Oo Muddo Kooban U Qabtay Ddaka Deggan Machadii Boostada Iyo Isgaarsiinta

Maamulka gobolka Banadir ayaa muddo laba todobaad ah gaareysa u qabtay dadka deggan machadka boostada iyo isgaarsiinta qaran in ay uga gaaraan aaggaas .

Duqa gobolka Banadir Inj Yariisow oo booqday xaruntaas ayaa dadka deegaanka ku war giliyay amarkaas isaga oo xusay in ay doonayaan in ay dib u dhis ku sameeyaan

” Muddo laba todobaad ah ayaan u qabanay dadka deegaanka in ay uga guuraan xaruntaas” ayuu Inj Yariisoow ku yiri saxaafadda

Balse sida muuqata waa muddo kooban oo ay adag tahay in dadkaas danyarta ah uga baxaan xaruntaas waxa ayna dadka u u dhaq-dhaqaaqa arimaha bulshada ay ku talinayaan in waqti ku fillan la siiyo

Arintaan ayaa imaaneysa xilli dowladda Somaliay ay qorsheyneyso in ay dib u soo nooleyso adeeggii boostada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.