Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Mucaaradka Ee Nairobi , Waxa Ay Dowlada Ku Eedeeyeen In Ay Ka Gaabiyeen Dagaalkii Alshaab Iyo Qodobo Kale

Waxaa magaalada Nairobi ee Kenya lagu soo gababeeyay kulan ay laahayeen axsaabta mucaaradka Somaliya kuwaasi oo sheegay in kulankaan muhiimaddiisa ay aheyd ka hadalka xaaladda dalka

Waxaa ay qoraal ay soo saareen ku sheegeen in kulankaan u ahaa wada tashi iyo talooyin ay u soo jiidinayeen dowladda oo ay ku eedeeyeen in ay ku fashilntay dhinacyo badan oo xaaladda .

Sababta ay kulankaan ugu yeesheen Muqdisho ayay mucaardka ku sheegeen in ay tahay caburin iyo diidmo ay kala kulmeen dowladda Somaliya waxaana axsaabta kulankaan joogay ka mid ahaa Wadajir , Daldhis , Nabadda , Ileys , Midqaran iyo isbaheysiga .

Bayaanka ka soo baxay kulankaas waxa ka mid ah in dowladda ay ku fashilntay aminiga , hir gilinta hishiisyadii maamul goboleedyada , in dagaalkii alshaab ka gaabiyeen ayna xoogga saareen caburuinta shacabka iyo qodobo kale

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.