Maxay ka wada hadleen M/weyne Farmaajo iyo M/weynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Madaxweynihii hore Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan.

Cabdiqaasim Salad Xassan ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay garab istaageen dowladooda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibaatada kooxda Al Shabaab ay ku heyso dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay mid caqabad ku ah hormar iyo amni Soomaaliya ka hana qaada.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo la kulmayo Madaxweyinihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan oo mudooyinkii danbe ku noolaa Dalka Masar.

2 Comments

  1. Abdiqasim Salad Xassan oo loyaqan ina Salaad booyo,oo mar somaliya madaxweyne kanoqday,hadana si Qoxotinimo ugu nool wadanka masar,waxa buqasho ugu tegay madaxweynaha somaliya Mr.Farmajo oo ka codsaday in uu ka la hadlo mesha uu kasoo jedo ee Habar Gidir oo Xukumada uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Farmajo mucaradnimo culus kala so horjeda,waxa laxusuta,Gogashi ladhigay jabuti 2000 in madaxweyne lo dortay Abdiqasim Salad Xassan waxana lays laha Hawiye hubka ha kadhigo oo Dawlad halaga dhiso somaliya 350 malyuun oo Dolar aya farta laga saray, waxuu uqaybiyey moryanti somaliya dhacday Qarna hader ayuu ku mushtara oo ku Degan yahy Qahira,Maxamed Siyaad Barre 21 sono oo uu ka talinayey somaliya ina salaad Booyo waxuu Ahaa Wasiir Joogto ah oo waligi xilka ka dhicin,waxase wax lala yabo noqotay,maxamed siyaad Barre in uu wax badan ka codsaday ina salaad booy in uu Hawiye ka Damiinto hase yeshe ilahay kama Aqbalin,farmajona 2 Goor oo uu Qahira Booqday waxuu Dacwad ugu tegay ina salaad Booy hase yeshe sidii Cadada u’ahayd wax guul ah ama talo kama helin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.