Maxuu Ahaa Sarkaalkii Alshabaab Ee Isu Dhiibay Dowlada Somaliya

Ilo wareedyo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in sarkaal sare oo Alshaab ah uu isu dhiibay dowlada Somaliya
Ilo wareedyo inatas ku daraya in sarkaalkaas oo caan ka dhex ahaa Alshabaab uu wehliyay dagaal yahan ka tirsanaa kooxdaas .

Xubno ku dhaw qeybta ammaanka dowlada Somaliya ayaa sheegay in sarkalkaas isa soo dhiibay uu yahay mid muhiim ka ahaa kooxdaas isla markaana lagu magacaabo Adam Cabdi Maxamed halka dagaalyahankana lagu magacaabo Fu`ad Adam Maxamuud .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in sarkaalkaas uu jagooyin kala duwan uu aka soo qabtay Alshabaab sida wakiilkii Alshabaab ee gobolka jubadda hoose ee golaha shuurada Alshabaab iyo sarkaalkii maaliyadda isla gobolkaas .

Sarkaalkaas iyo dagaalyahanka ayaa la tibaaxayaa in uu isu dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.