Puntland oo kudhawaaqday in la dilay Kuxigeenkii Guud ee Daacish.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday gobolka Bari lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob.

Wasiirka waxaa uu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday Tuulada Xiriiro oo hoostaga Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

Duqeynta ayaa loo maleynaya iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka,waxaana la sheegay xilliga la beegsanayay in ay ku jireen Safar.

Qof kale oo ana weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu la dhintay ninkaasi, iyadoo la sheegay in Gaari noociisa ay somalidu u taqaan (Kabta Buudka uu watay) Ninkan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu ninkaasi horay oga baxay Ururka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.