RW Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safarkiisii Washington

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii magaalada Washington ee dalka Maraynkanka uga soo qayb galeen shirkii deyn cafiska Soomaaliya.

Waftiga Ra’iisal wasaaraha ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Shirarkii ugu dambeeyay ee waftiga Ra’iisal wasaare Khayre kaga qayb galeen magaalada Washington oo intooda badan diirada lagu saaray arrimaha dhaqaalaha,amniga iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa wafdiga waxay kala soo hooydeen guulo wax ku ool ah.

Madaxdii kasoo qayb gashay shirarkaasi ayaa dhammaantood waxay qireen iney diyaar u yihiin inay Soomaaliya kala hadlaan sidii lagu dhammeystiri lahaa deynta lagu leeyahay iyo cafinteeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.