RW Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta u dhoofaya dalka Mareykanka.

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofaya dalka Itoobiya oo ay kaga qeybgalayaan kulanka dhexmaraya Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Aduunka.

Kulankan ujeedadiisa ayaa ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo kudhaw 6 Bilyan oo dollar, taas oo kasoo bilaabatay xiligii dawladdii Kacaanku ayna kasoo amaahatay Bangiga Aduunka.

Raysalwasaare Kheyre waxaa kuwehlinaya safarkan xubno katirsan baarlamaanka, wasiiro, Lataliyaasha dawladda iyo Taliye kuxigeenka NISA sidda ay sheegayaan wararka lahelayo.

Xukuumadda ayaa la dagaysa shirkan cafinta deynta lagu leeyahay kasokow qorshe ay doonayso in lagu caawiyo Mashaariic horumarineed iyo dhaqaale toos ah si ay wax uga qabtaan ammaanka dalka.

Haddii la cafiyo deymaha lagu leeyahay Soonaaliya,waxay ka dhigan tahay guushii siyaasadeed ugu weyneyd ee ay hesho Xukuumadsa Xassan Cali Kheyre, waxaana ay tahay talaabo horseedi doonta horumar wanaagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.