Shir dib loogu eegayey Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Shir looga hadlayey dib u eegista qorsheyaashii Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta  waxaana kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, Agaasimaha guud Wasaaradda Qorshaynta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Sidoo kale shirka waxaa looga arrinsanayey qorsheyaasha  la doonayo in la qabto saddexda bilood ee soo socda ee hay’adaha fulinta ee mashruuca oo ka kooban Madaxtooyada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah kuwaas oo iyagu doorka fulineed ee Mashruuca.

Nuxurkii shirka ayaa kusoo uruuray sidii loo dardar gelin lahaa mashruuca iyo sidii looga faaiideysan lahaa caqabadihii lasoo gudboonaadey mashruuca saddexdii bilood ee lasoo dhaaafay looguna tallaabsan lahaa guulo la taaban karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.