Soomaali Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Sweden Oo Lagu Xakumay Xabsi Daa’in,

Maxkamad ku talla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Yusuf Shirar Hussein oo ah 35 jir Soomaali ah.

Bishii September ee sanadkii teggay, 2018-kii,ayaa wiilkan Soomaaliga ah lagu soo eedeeyay inuu dilay xaaskiisa.

Booliiska ayaa sheegay in meydka marxuumadda laga helay gurigii ay daganeyd,xilli si ba’an loo jir-dilay.

Yusuf ayaa kadib dilka lamaanahiisa la xiriiray ciidmada ammaanka,kadibna ku war-geliyay dhacdada.

Sida ay laga soo xigtay qaraabadiisa, Yusuf Shirar ayaa dhowr mar isku dayay in jaro xiriirka jaceyl ee kala dhaxeeyay gabadhiisa,sababo la xiriira dagaallo soo noq-noqday oo salka ku hayay Mareyr.Qiyaas 4 jeer oo hore ayay dacwaddoodu gaartay booliiska

Maxkamadda ayuu ka hor qirtay in uu isaga dilay lamaanihiisa,uuna si ku talo-gal ah BIR kala beegsaday sambabka iyo wadanaha.

Xitaa haddii uu si un uga soo baxso Xabsiga,waxaa lagu celin doonaa Soomaaliya,sida ay xaqiijisay maxkamadda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.