UPDATE: M/weyne Farmaajo oo cadeeyey in dawladdiisa dhaqaale la’aan xoogan hayso.

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cabasho ka muujiyey dhaqaale la’aan xoogan oo haysta dawladiisa, wuxuuna sheegay in ay yaraadeen ilaha dhaqaalaha ee dalka iyo bixinta Canshuurta ee Ganacsatada dalka

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqaale la’aantu ay keeni karto in la bixin waayo adeegyada Hay’addaha dawladda iyo mushaarka Shaqaalaha, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin halis badan leh.

“Waxaa intaas ugu daran dhaqaale xumo baahsan ayaa dowladda heysta, wax kale ma ahan aruurinta canshuuraha ayaa sidii la rabay aheyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Culumada Diinta ayuu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan sidii dawladdu ku heli lahayd dhaqaalaha ay u baahan tahay, maadaama buu yiri loo shaqeynayo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Faderaalka Cabdiraxmaan Beyleh iyo Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xassan Cali Kheyre ayaa mar kasta sheega kobac dhaqaale, halka Madaxweyne Farmaajo uu qeylo dhaan muujiyey xagga dhaqaalaha ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay in dowladda ay wajaheysay culeysyo dhaqaale, gaar ahaan taageero dhaqaale oo wadamo dhowr ah laga helayay oo la jaray, taasoo loo sababeynayo tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladdu qaaday ee la xiriiray siyaasadda Arrimaha dibadda

1 Comment

  1. MEESHA-KAMA-TAGE-WAXNA-KAMA-TARE WUXUU LA IL-DARAN YAHAY XANUUNKA LOO YAQAAN AUTISM OO DHIMIRKA ASIIBA.
    DANTIISAABA DHULKA LA GOYN DOONTA AW-KOOMBE, HADDA OO AY MEEL WALIBA ISA SOO XIDHAY.
    LIX BILOOD MARKUU TALADA HAYAY AYAAN SII SHEEGAY IN AYSAN XOOLO KU JIRIN XARIG UU HAYO FARMAAJO.
    FARMAAJO WAA HABAAR-QABE LAGU QALDAMAY. WAXAASE U HARTAY 18 BILOOD OO QUDHA. EE YAAN DARTII DALKA LOO BURBURIN.
    MUCAARADKU AWALBA WAA LA IMAN WAAYEEN KARTI IYO HALABUUR. HADDA OO LA MARAYO GEBOGEBO, SAMIR HA LA YIMAADEEN, UGU YARAAN. BOODBOODKA HA ISKA DAAYEEN EE HA SII QORSHEYSTAAN WIXII XIGI LAHAA KUFIDDA DHURBEELE FARMAAJO. SHARIIF SHEIKH AXMED IYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD HADDII AY ISLA ORDAAN, NACAB KALE OO FAQASH AH OO FARMAAJO KA LIITA AYAA IMAN KARA.
    SHARIIF SHEEKH AXMEDOW, WALAALOW AAN KU QABTEE ADIGU TANAASUL SAMEE. YAANU CADAWGU KA FAAIIDEYSAN TAFARAARUQIINNA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.