UPDATE: Maamulada Soomaalida & Oromada oo wada hadalo ka leh Arrimaha dagaalada u dhaxeeya

ADAMA(P-TIMES)- Madaxda maamulada Soomaalida & Oromada ee dalka Itoobiya ayaa wada hadalo ku leh magaalada Adama ee dhulka Oromadda, waxaana labada dhinacba ay ka wada hadlayaan arrimaha Ammaanka iyo isku dhacyada dagaalada qowmiyadaha ku saleysan.

Madaxweynaha Soomaalida Mustafa Maxmaed Cumar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Adama, waxaana soo dhaweeyey dhigiisa oo ay ka wada hadlayaan arrimahan.

Madaxweynaha cusub ee Oromadu wuxuu balan qaaday in laga shaqeyn doono deris wanaaga, isla markaasna waqti badan ay gali doonan sidii Isfahamka labada maamul u socon doono.

Mustafa Cumar ayaa dadaal badan galinaya dhankiisa sidii loo furi lahaa wadada isku xirta Ismaamulka Soomaalida iyo Addis Ababa oo Soomaalidu ay ku marto si cariiri ah oo ay cabsi ka buuxdo.

Dagaalo badan aya adhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana labada Madaxweyne ay balan-qaadeen in ay soo afjari doonaan dhammaan wixii dagaal ahaa ee dhacay iyo in aan shido dambe labada Qowmiyadood ka dhex dhicinin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.