VIDEO: Qaab noocee ah ayey u dhacday duqayntii lagu diley hogaamiye ku-xigeenkii Daacish, cidda ka dambaysay & Puntland oo ka hadashay.

GAROOWE (PUNTLANDTIMES): Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan duqayn maalinimadii shalay ahayd ka dhacday deegaamo katirsan bariga Puntland laguna diley mid kamid raggii ugu sarreeyey Daacishta Soomaaliya.

Wasiir Gallan ayaa shaaca ka qaaday in duqaymo ka dhacay duleedka deegaanka Xiriiro ee gobolka Bari lagu diley hogaamiye ku-xigeenkii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Qodhob.

Dhinaca kalena, wasiirka ayaa waxa uu sheegay in duqaynta uu ku dhintay qof kale oo la socdey gaariga inkastoo uu sheegay in xogta lagu diley hogaamiyahaasi aysan ku hayn magaca qofka la socdey oo aan horay loo filayn.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO GALAN

Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo kaashanaya kuwa dalalka reer Galbeedka ayaa duqaymo cirka ah marar badan la beegsaday dagaalyahanada kooxaha Daacish iyo Alshabaab ee Soomaaliya.

Riix halkaan si aad u daawato wasiir Gallan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.