WAR DEG DEG AH+DAAWO: Siyaasiinta mucaaradka ah & Madaxda Dawlad gobaleedyada Soomaaliya oo maanta ku kulmaya Nairobi, maxayse ka hadlayaan?

NAIROBI(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay maanta halkaas kulan gaar ah ku yeelan doonaan madaxda dawlad gobaleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug oo isku dhinac iyo siyaasiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda dawladda Faderaalka, kuwaas oo kusugan magaalada Nairobi.

Kulanka waxyaabaha looga hadlayo waxaa lagu sheegay arrimaha ku saabsan Doorashooyinka 2020-ka sidii loogu qasbi lahaa madaxda hadda dawladda Faderaalka, sidii loo dadajin lahaa qorshayaasha arrimahaas la xariira iyo qodobo kale oo muhiim u ah dhinacyadan.

Madaxda dawlad gobaleedyadu waxay saacadihii u dambeeyey lahaayeen kulamo gaar ah oo ay uga wada hadlayaan arrimaha mustaqbalka siyaaasadeed ee dalka, gaar ahaana sidii loo dadajin lahaa tubta doorashooyinka iyo In kaalmadooda deeqaha ay gaar u heli lahaayeen.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.