WARBIXIN: Goodax Barre oo ku hor-kufay Shacabka Puntland..

GAROOWE(P-TIMES)- Wasiirka Waxbarashada ee dawladda Faderaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta sheegay in aysan Ardayda Puntland u heynin waxba Shahaado ah oo aysan siin doonin, ka dib markii ay dawladda Puntland diiday in ay ardeydeedu galaan imtixaan aan waxba ka jirin.

Baraha bulshada ayaa si aad ah loogu falceliyey hadalka Wasiirka Waxbarashada ee Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamay ruux aan la socon daruufaha waxbarasho ee dalka, balse iska hadlay sidii siyaasad ay shaqo ku leedahay waxbarashadu.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dawladda Faderaalka ahaana wasiirka Waxbarashada ee Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa Goodax Barre ugu baaqay in uu faraha kala baxo arrimaha Waxbarashada Puntland.

“Goodaxow Faraha kala bax Arrimaha Waxbarashada Puntland” ayuu ciwaan uga dhigay fariin yar oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, taas oo uu ku muujinayay sida ay shacabka Puntland mudo dheer wax uga qabteen arrimaha Waxbarashada.

Dawladda Puntland ayaa miisaaniyad ku bixisa Waxbarashada, gaar ahaana qaadida, Ilaalinta iyo sixida Imtixaanka Shahaadiga ah oo isku daqiiqad ka bilowda gudaha Puntland oo dhan, waxaana uu yahay mid kaliya ee mideeyey dhammaan waxbarashada mandiqada.

15-kii sanno ee ugu dambeysay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland, waxay sameysay horukac weyn oo ku wajahan dhanka waxbarashada, waxayna dadaal xoog badan galisay Adeegyada Waxbarasho Tayo leh.

Ardayda Dugsiyada Puntland ayaa ku tilmaamay hadalka Goodax Barre, mid aan kabaajin doonon Deeqaha caalamiga ah eelasiiyo Soomaaliya, isla markaasna ay awalba Shahaadada Faderaalka ka heli jireen Suuqyada caasumada SOomaaliya.

1 Comment

  1. Dawladda Puntland waxa ladhisay 20 sano ka hor waxa dhismay dhaman haykalka Dawladnimo %80 Xukumada muqdisho ugu yaran 15 sano ayey puntland ka danbeysa,waxa laga warqaba muqdisho wax barasho tosan kama socoto,sababtoo ah ma’ah mel nobdoon oo xasilon,waxa laga warqaba shahadada waxbarashada magalada muqdisho,waxad ka iibsan karta suuqyda Cabdale shideye,us’aasha mesha tala wasiir godax barre oo Dabecadisa Gulwadenimada ama Daba dhirifnimada hareysay markasta oo ninkasi hadlo waxuu ku hadla wax lala yabo taas oo aay ugu wacantahay sef labodnimo & fudeyd ku jira dabecadisa,waxa kale oo jira in uu yahay nin aay madaxmartay koxda Qawleysatada ah oo ka’arimisa magalada muqdisho oo uu xoga sandarerto ah oo uu kuqabo mamulka qabka daran ee ina farmajo & ina khyre ummada somaliyed ugu shirkobeen,Arimaha puntland sida laga warqabo puntland mar hore ayey katashatay dhanka wax barashada waxay haysata macaliniin Hersere ah & manhaj tayeysan oo calami ah oo ku xiran jamacadaha Aduunka kuwa ugu macqulsan,waxana lo babahan yahay masulinta Tacalinta sare ee puntland in aay Qadaan talabo horleh Qadan si lo horumariyo tayenta tacalinta sare ee puntland,oo lagarsiiyo mid calami ah,si loga kaftomo godiga & caga juglenta Cadawga puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.