Wasiiradda Ammaanka iyo Taliyaasha ciidamada oo hortagaya baarlamaanka F. Soomaaliya iyo Saxaafad oo la dioday

MUQDISHO(P-TIMES)- Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya fadhi xasaasi ah oo ay uga hadlayaan Ammaanka, waxaana imaan doona wasiiradda xaggaas shaqada kuleh iyo taliyayaasha Ciidamada kala duwan.

Kulanka oo bilaaban 10ka barqanimo waqtiga Soomaaliya, waxaa suaalo adag ay wajahayaan wasiirka Amniga iyo wasiirka Gaashaandhiga oo ay inta badan masuuliyadaha laga hadlayo iska leh.

Mudanayaasha ayaa shalay si adag uga hadlay ficilada amaan daradda caasumada la kala xiray iyo xogaha ku saabsan shaqo xumida laamaha dawladda Soomaaliya.

Saxaafadda ayaan loo ogoleyn maanta kulankan, waxaana Gudoonku ay sheegen in uu fadhigan yahay mid albaabadu u xiran yihiin.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.