Xildhibaankii Uu Wasiir Goodax Ku Tilmaamay Alshabaab Oo Jawaab Bixiyay

Xildhibaan Yuusuf Xusseen Axmed oo uu Xildhibaan /Wasiir Goodax Barre ku tilmaamay inuu yahay xubin Ururka Al-shabaab katirsan ayaa sheegay in sharciga uu la tiigsanayo qareenana uu qabsaday si xasaanadda looga qaado xildhibaanka.

“Goodax anagu latirsan mayno hadda ,meeshaanna waxaa yalla qaanuun iyo sharci , goodax kama aan hari doono waxaan latiigsanayaa sharciga ” Ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xusseen .

Xildhibaanka ayaa mar la waydiiyey inuu la kulmay xildhibaan Goodax oo ku tilmaamay inuu yahay Al-shabaab ayaa sheegay in weli la indhacad yahay hadalka uu yiri.

“Amakaag iyo yaab bay igu noqotay , laakiin waxaan isku qanciyey inaan sharciga latiigsado “Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaanku .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.