XOG: Banaanbaxyo laga abaabulayo Muqdisho, Yaase ka dambeeya?

MUQDISHO(P-TIMES)- Warar laga helayo dhinacyo kala duwan oo kusugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay jiraan banaanbaxyo laga abaabulayo caasumadda Soomaaliya, kaas oo ay gadaal ka riixayaan xubno mucaarad ah iyo dad u muuqda in ay ka soo horjeedaan dawladda Faderaalka.

Degmooyinka Gobalka Banaadir qaarkood ayaa lasheegay in uu ka socdo banaanbaxan abaabulkiisa, waxaana ay Gudoomiyaasha qaarkood inkireen xaqiiqada warkan.

Kulan deg deg ah oo ay xalay yeesheen guddiga ee Xukuumadda Faderaalka ayaa lagu soo qaaday suuragalnimada in ay jiraan kacdoon siyaasad riixayso, oo kasoo wajahan degmooyinka qaarkood.

Wasiirka Amniga ayaa u sheegay kulanka deg deg ah in aysan aheyn wax weyn wararka la sheegayo, balse wuxuu cadeeyey in loo baahan yahay in digtooni lagalo.

Saacado kahor Odayaasha dhaqanka ee Muqdisho, waxay codsadeen in jidadka la furo, dawladdu joojiso ficilada Hanjabaada ah iyo wax kasta oo nabdda kasoo horjeeda.

Dhawaaqa Odayaasha iyo wararka sheegaya in ay dhici karaan banaanbaxyo Khamiista nagu soo aadan ayaa ah waxyaabaha ugu hadal-heynta badan ee waqtigan taagan.

Mqdaxweyne Farmaajo ayaan kuhanjabay dhawaan in ay gacan bir ah ku qaban doonan banaanbaxayaasha, taas cabasho ayaa ka dhalatay dadka qaarkood aad uga caroodeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.