XOG: M/weyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la qaatay Odayaasha Hawiye, qaarkood maxayse ka wada hadleen?

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah la yeeshay xalay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Mudulood oo kamid ah beelaha Hawiye, kulankas oo looga hadlayay arrimaha ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho.

Odayaasha shirka ka qeybgalay qaarkood oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan banaanbaxyada ka taagan caasumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uusan wadan qorshe dalkan dib loogu celinayo, wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya xukun kororsi iyo arrimaha la jaalka ah.

Odayaasha ayaa u cadeeyey Farmaajo in looga baahan yahay waxqabad, balse ficilada ciidamadiisu wadaan ay yihiin kuwa ka soo horjeeda amniga iyo daganaanshaha.

Mid kamid ah Odayaashu wuxuu sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo karaali galiyey hadaladii shalay ee uu ugu hanjabay dadkii banaanbaxyada dhigayey.

Kulankan deg deg ah ee Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Hawiye qaarkood ayaa kusoo beegmaya xili xasaasi, oo ay banaanbaxyo shalay ka dhaceen caasumadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.