AKHRISO: DF Soomaaliya oo markale u hiilisay Sacuudi Careebiya.

MUQDISHI(P-TIMES)- Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku taageertay dawladda Sacuudi Careebiya, waxayna ku cambaareysay weeraro ay kooxda dawladda Iiraan taageerto ee Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha Shidaalka ee dalka Sacuudiga.

Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay weerarada soo kordhaya ee ay kooxda Shiicadu ku qaadayaan dalka Sacuudi Careebiya, ayna garab taagan tahay dawladda Faderaalku dalka ay walaalaha yihiin ee Sacuudi, sidda lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibada ee Soomaaliya.

”Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya”

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.