Booliska Kenya Oo Heegan Buuxa La Giliyay , Xogo Alshabaab La Xariira Ayay Heleen

Afhayeenka Boliska dalkaasi, Charles Owimo ayaa sheegay in Ciiddanka la geliyey Feejignaantii ugu sarreysay, lana filan karo weerar ay Alsbabaab soo qaadaan inta lagu guda-jiro bishan Ramadaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadal-qoraal oo uu Afhayeenku soo saaray ayuu ku sheegay inay in la adkaynayo Ammaanka Masaajida iyo inay Ciiddanka ka hortegi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado Kaniisadaha dalkaasi.

Dhinaca kale, Afhayeen Charles Owimo waxa uu xusay inay Alshabaab bishii hore wacad ku mareen inay u aar-gudi doonaan dilkii in ka badan 50 Muslimimiin ah ee bartamihii bishii hore ee April lagu dilay toogasho ka dhacday 2 Majid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Ciiddamo badan loo daad-gureeyey magaallooyinka iyo Deegaanadda ku yaalla xuduudka ay Kenya la wadaagto Somalia.

Afhayeenka Boliska dalka Kenya, Charles Owimo waxa uu soo hadal-qaaday weerar uu sheegay inay Alshabaab bishii June ee sannadkii 2014-kii ay 150-qof ku dileen Tuulloyin ku teedsanaa magaalladda Laamu iyo Gobalka Tana River ee dalkaasi, waa sida

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.