Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Xarigga Ay U Geysteen Xildibaan Dhakool.

Taliska Ciidamada Somaliland ayaa ka hadlay xariggii xalay loo geystay xildibaan Dhakool ka dib markii uu xuska 18-ka May ee maamulka Somaliland u aqoonsan yihiin maalin qaran uu ku tilmaamay mid madoow oo ay leeyihiin cid gaar ah .

Taliye ku xigeenka booliska Somaliland ee sareeya C/raxmaan Liibaan ayaa saxaafadda u sheegay in xildibaanka xarigiisa loo cuskaday qodobo ku xusan dastuurka maamulkaas Somaliland

Waxa uu taliyaha uu ku eedeeyay xildibaan Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland kicin dad weyne isla markaana uu ka hor yimid mabaadi`dii gooni isu taagga Somaliland

1 Comment

  1. waxan layabaynin Gen Abdirxmaan Liibaan oo ilkuhu Qaar kamida ka maqan yihin,mar uu ka hadlayey nin Xildhiban ah oo Xabsiga la dhigay ninkas oo ka soo jeda gobalka sool,Xildhibanka in kasto aan sharci lagu xirin hadana wa gardaran yahay,sabab too ah maxa ku wetey hadalada uu xariga ku museysanayo,nimanka wadanka xukuma wa niman Awood leh oo dhulkoda joga ninkii sodonta waxay tusayan waxuu yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.