Booliska Somaliya Oo Sheegay In Jiraan Rag Loo Qabtay Qaraxyadii Caawa Ee Muqdisho

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in Qarax caawa ka dhacay uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari nuuca loo yaqaan Toyoto Noah.

Sakiya Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Baraheeda Xiriirka Bulshada kusoo qortay in Ciidamada Ammaanka ay qabteen dadkii ka dambeeyay qaraxa.

Waxa ay intaa ku dartay in aan jirin Khasaare naf iyo mid maaliyeed oo uu geystay gaariga Qarxay.

Dadka deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in ay qaraxa kadib ay maqlayeen Rasaas jihooyin kala duwan ka dhaceysay.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray wadooyinka soo gala halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana goobjoogayaal ay sheegayaan in gaadiidka gurmadka deg deg ah lagu qaaday dad ku dhaawacmay qaraxa, inkastoo aan la sheegin tirada ay gaarsiisan yihiin.

Dhanka kale Degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Iskuul Jabuuti waxaa caawa dhacay Qarax la sheegay in uu ahaa Miino.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamo katirsan Dowladda ay rideen rasaas ay ku kala eryayeen dadka, waxaana hakad uu galay gaadiidka ka dhex shaqeeya Isgoysyada Soobe iyo Dan wadaagta.

2 Comments

  1. ASC.
    Marka hore booliska la sheegayo ma aha booliis soomaaliweeyn ka wada dhaxeeya ee waa booliis ay beel gaaru leedahay.Saas darteed waa qalad 100% in la yiraahdo booliska soomaaliya.Waa booliska beealaha USC.Sababtoo ah dadkaasu ma wada matalayaan gobalada soomaaliya oo dhan ee beelo gaara bay ka socdaan.

    • Xanuun looma baahana waxay ku qanacsanyihiin in ay metelaan guud ahaan POLICE SOMALIA in cid ay ku biirtona maxad isku ahysaa adigu police ma lagu qoraa

Leave a Reply

Your email address will not be published.