Booliska Somaliya Oo Sheegay In Shaqsiyaad Loo Soo Xeray Suuq Geynta Imtixaanaadkii Shahaadiga Somaliya

Taliska booliska Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in baaritaano hor dhac ah ee ay sameeyeen lagu soo qabtay shaqsiyaad la tuhmyo suuq geynta nuqulo ka mid ah imtixaanaadkii shahaadiga Somaliya .

Taliyaha Booliska bashiir Americo ayaa xaqiijiyay in ay jiraan shaqsiyaad loo soo xeray dhacdadaas isaga oo xusay in la soo xeray Jamal Diin Xerrsi oo ah 29 sano jir ka shaqeeynayay wasaaradda waxbarshadad Somaliya

Taliyaha waxa uu intaas sii raaciyay in ay jiraan dhinacyo kale oo lagu daba joogo isla markaana dhamaan shaqsiyaadka lagu helo fadeexadaas in maxkamad la soo hor taagayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.