Boqor Buur Madow ” Ma Ihi Qof Ka Baqa Xabsi , Waana Ka Soo Horjeedaa Xaaladda Deg-degga Ee Lagu Soo Rogay Sanaag”

Boqor Cismaan Buur Madoow ayaa ka soo horjeestay go`aanakii xaaladda deg deg ah ay Somaliland ugu soo rogeen deegaano ka tirsan gobolka Sanaag .

Waxa uu boqorka ku dooday in aysan aheyn in shacab dhan loo ciqaabo qalad dhacay xilli ay ciidmaada la shaqeynayaan waliba ka qeyb qaaeean soo gacan gilintii raggii dilka geystay

Waxa uu ku baaqay boqorka inta xaaladda deg deg ah ay reebeyso natiijo aan wax ku ool aheyn iyadoo uu intaass ii raaciyay in mowqifkiisa uu la raacsan yahay rabitaanka shacabka Sanaag

 

2 Comments

  1. Boqor Madoowoow waxaa cabsi la’aantaada xabsiga ka soke maraya xaqa iyo sharciga uu u yeeshay dal aan si sharcisan dunida uga jirin mise maamul aan si rasmi ah federaaalka uga tirsanayn in uu cid xabsi dhigo marka hore ba.

    Iidoorku xaalad yacyacood ah ayay xal ka dhigan rabaan laakiin u ma suuragalayso xaqiiqdii. Aanooyin hore ee muddo dheer soo jiitamayay ayay iidoorku reero ahaan hoostaas ugu kala qaybsan yihiin oo aan la isu tusi karin. Qaddiyaddii buufiska ahayd ee ay SNM isku dayday in Isaaqa ugu mideyso Soomaali baa na naceb oo ina xasuuqaysa iskeed bay u qaraxday oo reeruhu sidoodii hore ayay u kala faquuqmeen.

    Sidaas oo ay tahay, halkii ay fursadda dahabiga ah ee hadda u furan Garxajisku ugaga faa’iiseydan lahaayeen in huuhaadii hore toos looga takhaluso oo ay qarankooda Soomaaliya dib u haybsadaan oo una xasilaan ayay iidoornimadu mar ba ka tan badisaa oo barabagaankii SNM ee maanka lagaga qufulay iyo cabsida xooggan ee ay ka qabaan dacaayadda ah Daarood baydun garabsateen ayay la laba lugoodinayaan.

    Talo adiga ayaa ku nool ee iyadu kugu ma noola.

  2. Boqorkii Dir ee 11 waddan oo Africa ka talinaayey miyaa xukun degdeg ah la saaray? War lahadal 10-ka madaxweyne ee kale haddaad fahmiwayday Muuse-Handaraab.;( :p 8-).

Leave a Reply

Your email address will not be published.