Ciidanka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Mas’uul Katirsanaa Puntland iyo Qaar Kamid ah Shacabkii Laascaanood Ka Hadlay.

LAASCAANOOD (PUNTLANDTIMES)-Ciidanka ammaanka maamulka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku xiray guddoomiyihii Puntland horay ugu qaabilsanaa gobolka Sool Cabdiraxmaan Geelle Balli Dhiig.

Guddoomiyaha iyo qaar kamid ah shacabka magaalada Laascaanood ayaa shalay si kulul uga hadlay xuska 18ka May iyo xariga xildhibaan Dhakool.

Qaar kamid ah waxgaradka, dhalinyarada iyo haweenka magaalada Laascaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga xildhibaan Dhakool ay kula keceen ciidamada maamulka Somaliland.

Waxa ay sheegeen in Laascaanood iyo Sool ay kamid yihiin gobolada SSC isla markaana maalinka 18 may aysan u aqoonsanayn maalin qaran kaliyana ay aqoonsan yihiin 26 June xorriyadii gobolada waqooyi iyo 1 Jully midowga Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALADA

Qaar kamid ah shacabka ayaa ku hanjabay inay qaqabsan doonaan dadka ka soo jeeda beelaha degan gobolada waqooyi ee ku sii jeeda deegaamada Puntland socdaalkana kumaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.