DAAWO: Banaanbaxyada Muqdisho oo sii xoogeysanaya “Goodax Ha dhaco, Arday dile Ha dhaco”

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho ka dhalatay Banaanbaxyo hadda ka socda caasumada dalka oo ay dhigayaan Kumanaan Banaanbaxayaal oo Arday ah, kuwaas oo ka cabanaya ficiladii uu xalay sameeyey Wasiirka Waxbarashada Faderaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Xil ka qaadis deg deg ah ayay dalbanayaan in lagu sameeyo Wasiirka Waxbarashada oo ay sheegeen in uu kufashilmay maareynta howlaha Waxbarashada ee dalka, uuna yahay mid sameeyey Musuqmaasuqii ugu weynaa.

Kacdoon Shacab ayay u muuqataa waana halis weyn oo ka taagan maanta caasumada Soomaaliya, Wariyaasha ayaa sheegaya in sida ay wax ku socdaan ay tahay arrin jawaab adag u baahan.

Ciidamada dawladda oo aad moodo in lasiiyey amaro ayaa ridaya rasaas xoog leh, jidadka oo dhan ayay xireen, halka dhalinyaradda oo careysan ay ku soconayaan Jidadka caasumada, ma muuqato wax ficil ah oo kasoo baxay Xukuumada Faderaalka.

Jawaabta kaliya oo ay sugayaan Ardaydan waa in xilkiisa uu waayo Wasiirka Waxbarashada ahna Xildhibaan baarlamaanka Cabdullaahi Goodax Barre, oo xalay ku dhawaaqay in la baabiyey natiijoyinkii Imtixaanka, dibna loogu laaban doono, markii Wasaaradiisu fashilantayna wuxuu eeda saaray dhalinyaraddii iyo Waalidkooda oo uu sheegay in ay dambiga leeyihiin.

2 Comments

  1. ASC.
    Horta meeshu ma Xamar baa?. War illeen Fiqi & Xulafadiisu waa niman awood leh HADDAYBA gaareen inay caruur yaryara migrofan u soo dhiibaan oo bannaan bax abaabulaan. *Waxaa horumar ah in ciddi doonta ay bannaan bax suubin karto. WBT

  2. Waa Banaanbax been ah oo ay alshabaab abaabulayaan puntland.ca website” kaan na waa ku shaqaystaan. Arintu waa cadahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.