DAAWO: Madaxweynaha Puntland, Maxaa laga sugayaa goor dhaw?

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland SIciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhaw oo caawa ah qaban doona shir Jaraa’id oo uga hadli doono arrimihii kala duwanaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Aqalka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu ka hadli doonaa guulaha siyaasadeed ama guuldarooyinka la gaaray, Shirkii xalay dhacay wuxuu ku saabsanaa, Puntland miyay beel-dareysay Jubbaland iyo Galmudug oo ay ka maarantay.

Si weyn ayaa isha loogu hayaa Shir Jaraa’id ee Madaxweyne Deni, wax badan ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan dadkuna si gaar ah ayay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada kuwajahnaa talaabooyinkii Xukuumada Puntland qaaday.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in habeen hore kulan gaar ah oo saacado badan qaatay dhexmaray Madaxweyne Farmaajo & Madaxweyne Deni, badankiisana looga wada hadlay masaalixda siyasadeed ee dhinacyadan ay leeyihiin.

Su’aalaha lays weydinayo waxaa kamid ah Puntland miyay ka dabacday Difaaca Nidaamka Faderaalka? Miyey aqbashay Hab dhaqanka DF Soomaaliya? Ma waxay raacday qorshaha Madaxda DFS ee doorashada 2021-ka? Maxayse ka faa’iiday shirkii Garoowe?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.