DAAWO MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo & RW Kkeyre Goodax ma laqabaan Weerarka uu ku hayo Mustaqbalka Ardayda Puntland.

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre wuxuu markii 4aad weerar ba`an ku qaaday Mustaqbalka 16Kun oo Arday, kana mid ah Jiilasha waxbarasho ee Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, wuxuuna si adag u duray hanaanka Imtixaanka iyo Shahaadada Ardayda oo uu kusifeeyey mid aan sharci aheyn.

Goodax Barre wuxuu dagaal toos ah ku qaaday Ardayda Puntland, markii uu ku guuldareystay in uu meelmar ka dhigo Imtixaankii Dawladda Faderaalka SOomaaliya ay u dirsatay, SI weyn ayaa laysku weydiinayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre maku raacsan yihiin Goodax Barre talaabadaas.

Puntlandtimes.com waxay ogaatay in madada Puntland ay dacwad ka dhan ah Goodax Barre gaarsiiyeen Xaafiisyada Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha, taas oo jawaabteeda ay sugayaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO FALANQEYN LAGA SAMEEYEY.

4 Comments

  1. Godax barre iyo ina khayre & xata ina farmajo,isuma ka dhaman,puntland hanoqonina ninkii dilay udacwoto,3 qof wa talo wadag nina unixi mayan,wa xasidin xun,puntland kuwas gacan bira ha isaga qabato.

  2. Taasi su,aal malaha wasiir kasta waxuu ku shaqeya amarka wasiirka 1aad, hadu kalexdo amarka wa ruqdo shaqada banaka aya laga dhigaya.tas waxad ku oganeysa waxa ui sameynayo in aay yihin wax lsyku ogyahay.

  3. Goodax wasiirkii isaga ka horreeyey waxaa shaqada looga cayrshey hadal uu ku duray tayada waxbarasho ee ka jirta maanta Soomaaliya iyo sida ay uga hoosayso meeshii laga rabey inay joogto. Hadalkaas oo aad iyo aad ugu dhawaa runta ama xaqiiqada jirta waxaa dhibsaday kooxo danley ah (interest groups), xataa wasiirka lama siin fursad uu hadalkiisa iyo dulucda weedhiisa caddeeyo. Gaf weyn baa laga soo qaadey waxaana lagu baddeley Goodax Barre oo iila muuqda nin rag uu daacad u haysto ay dog xaldan iyo talo gurracan Puntland ka siiyeen. Malaha isaguna waa sidii uu jeclaaye, ma doonayo inuu yiraahdo waan gafey ee waaba ka sii daray.
    Marka Su’aasha harsani waxaa weeye maxaa keeni kara in wasiirkani shaqadiisa ku waayo, iyo dhaawac intee le’eg ayuu u keeni karaa xukuumadda Khaire haddii sidaas faraha looga qaado. War waxaan yaa ka dambeeya oo wasiirka sheekadaan markii horeba galiyey?

  4. WAXAAN FALANQAYN LAMA YIRAAHDO, WAX LA DAAWADANA MA JIRAAN OO QOF KELIYA AYAA ISKA HADLAYA. WAXAN SAXAAFAD LAMA YIRAAHDO EE HA KU CIYAARINI SAXAAFADDA BAROOTOKOOLKEEDA.
    WAXAAD TIRAAHDAAN DHAGAYSTA RA’YIGA QOFKAN EE KU SAABSAN XURGUFTA PUNTLAND IYO FEDERAALKA DHINACA IMTIXAANKA DUGSIYADA SARE.

Leave a Reply

Your email address will not be published.