DAAWO+WARBIXIN: Farmaajo & Xaaf ma dagaalo Sokeeye ayay dib uga abaabulayaan Gobalada Dhexe ee Soomaaliya?

MUQDISHO(P-TIMES)- Saacadihii ugu dambeeyey Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxay warbaahinta la wadaageen hadalo kicinaya bulshada, muujinaya in uu jiro khilaafkii ugu sareeyey oo dhinacyadan u dhaxeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku horeeyey hadalada ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Galmudug in uu diiday qaadashada daawadii caafimaadka Galmudug, uuna doonayo oo kaliya in uu danihiisa ka shaqeeyo, taas oo dabcan ka careysiisay dhinaca Madaxweyne Xaaf.

Mr, Farmaajo ayaa sheegay in looga baahan yahay Xaaf iyo maamulkiisa dibu heshiisiin dhameystiran oo ay ka hirgalayaan gobalada dhexe ee dalka, laakiin ilaa hadda uu sheegay in aan wax badan laga qaban, isagoo u jeeday khilaafka u dhaxeeya Madaxda Siyaasadda ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayay xalay magaalada Nairobi wuxuu banaanka soo dhigay warkii ugu weynaa oo ku saabsan xaaladdaha xariirka Villa Soomaaliya iyo Galmudug, wuxuuna sheegay in ay Madaxweyne Farmaajo kala kulmeen waxyaabo qabyaalad ka buuxdo.

Madaxweyne Farmaajo oo asal ahaan ka soo jeeda Waqooyiga gobalka Galguduud, gaar ahaana magaalada Caabudwaaq ayaa la rumeysan yahay in faragalinta isaga iyo wasiirkiisa koowaad ay ku hayaan Galmudug ay qeyb ka tahay danahooda siyaasadeed.

Mr, Xaaf ayaa sheegay in Madaxweyne Farmajo ay weydiisteen saanad dagaal oo ay kula dagaalamaan Al- Shabaab, xili dagaalo ka socdeen qeybo kamid ah gobalada dhexe ee dalka, balse jawaabtii ay kaheleen Madaxweynaha ay noqotay mid qaadan waa ku noqotay dhankooda.

Wuxuu cadeeyey in Madaxweyne Farmaajo si toos ah ugu yiri “Hubka aan idin siiyaa ma Caabudwaaq ayaa ku weeraraysaan” taas oo ka dhigan ficilkii ugu xumaa ee kasoo yeera Hogaamiye Soomaaliyeed, kana dhigan garaacida Albaabada aan wanaagsaneyn.

Hadalada ay labada dhinac isticmaaleen, waxay muujinaysaa dareenka wali taagan ee kuwajahan dagaaladii Qabyaaladda ee lasoo dhaafay ee Sokeeye, kuwaas oo halis kara markale wadajir iyo daganaanshaha gobalada dhexe ee Soomaaliya, waana meelaha ugu badan ee walaacu ka bilowday.

Galmudug ayaa kulmisay beelo badan oo ay dagaalo dhexmareen xili dagaalada SOkeeye, waxaana laga sugayay Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudugba in ay dadaal-badan galiyaan sidii meelmar looga dhigi lahaa dibu heshiisiin waarta oo la dhex dhigo bulshada, lagana dheereeyo in ay markale soo laabtaan ficilada la xariira arrimaha Qabyaaladeed ee dagaalada Sokeeye dhabaha u xaari kara.

1 Comment

  1. The Daarood are in complete disarray all over the country, despite all the odds being stacked in their favor in terms of landmass and political dynamics. The most highly prominent and prosperous ethnic community in the whole of Somali society, the Daarood occupy the largest demographic swathe in the combined landmass of the Somali regions which is also well connected from the Kenyan border through Gedo and Jubbaland all the way to Puntland and Ogaadeeniya. They also are blessed with the longest coastline which is also the most strategic in the East and Horn of Africa.

    It is nothing short of tragic that such a high profile community with the largest and well-interconnected geographic area in the entire Somali peninsular should end up hapless pawns in the nasty socio-political game being played by the fewer and less prominent Habar Gidir and Isaaq factions. The Mareexaan, Majeerteen, Ogaadeen, Leylkase, and Awrtable are being played so badly by the Habar Gidir while the Isaaq is playing poker on the northern Harti. How can a travesty of this magnitude be allowed to happen to the Great Daarood Dynasty in the 21st century?

    Where are the Daarood intelligentsia? What has befallen the Daaroodism pholosophy?

Leave a Reply

Your email address will not be published.