Ardayda Caasumada Soomaaliya oo Fariin adag u diray Kheyre & Farmaajo “Goodax waa in la cayriyaa”

MUQDISHO(P_TIMES)- Boqolaal Arday oo iskaga kala yimi xaafaddaha caasumada Soomaaliya ayaa iskugu so baxay jidadka caasumada dalka, waxay xireen isku socodka oo dhan waxay muujinayaan cabashadooda ku aadan wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Faderaalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Ardaydu waxay ku dhawaaqayaan hadalo ay uga soo horjeedaan Wasiirka Waxbarashada, oo xalay ku dhawaaqay in la baabiyey dhammaan Imtixaankii la qaaday, mid cusubna la qaadi doono shan maalmood ka dib.

Talaabadas ayay aad uga caroodeen, waxay sheegeen in loo baahan yahay in shaqada laga ceyriyo Goodax Barre oo ay sheegeen in uu ku fashilmay abaabulida iyo isku duba ridka howlaha Waxbarashada ee Soomaaliya.

“Dooni meyno Goodax Barre, waa in Ra’iisul wasaaraha shaqada uu ka eryaa” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya.

Isku socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.