Denni oo hadda hor imaanaya Wariyaasha, WAANA SAQ DHEXE.

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda oo ay saacada Soomaaliya tahay 12kii Habeenimo Shir jaraaid ku qabanaya Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Madaxweynaha waxaa horyaala su`aalo badan oo ku wajahan shirkii kusoo dhamaaday magaalada Garoowe, kulamadii dhacay, Mawqifkii Puntland ee difaaca Faderaalisimka, Arrimo badan oo ay sugayaan Shacabka.

Si weyn ayaa isha loogu hayaa hadalka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo hadda noqonaya masuulkii ugu horeeyey oo si daahfuran shacabka ula wadaagaya xogaha kulamadiisa.

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Puntland ah uu si toos ah Shacabka ula wadaago xogaha kulamada iyo shaqada uu u hayo Shacabka, taas oo ah tixgalin dheerad ah oo u hayo bulshadiisa, waxaana Saqda dhexena ay tahay arrin kale oo cusub.

FAAHFAAHINTA LA SOCO GOOR DHAW MUUQAALKA RIIX HALKAN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.